U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Qorsheenaya Inuu Dhimo Lacagaha Ay Ku Taageeraan Ciidamada Burundi Ee Ku Sugan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa qorsheynaya lacagaha tirada badan ee ay siinayaan ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya inay dhimaan iyaga oo cadaadis uga dhigaya madaxweynaha dalkaasi Nkurunziza burundi si uu wada hadallo ula furo mucaaradka dalkaasi iyadoo laga cararayo in dalkaasi ay ka dhacaan rabshado siyaasadeed.

Lacagtaan la siiyo ciidamada Burundi ee AMISOM uma sii socon karto sida ay hadda tahay, sidaasina waxaa sheegay ilo Diblomaasiyiin Midowga Yurub u hadlay.

Dowladda Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga 5,400 (Shan Kun Iyo Afar Boqol) oo ciidan ah, kuwaa oo si toos ah u hoostaga AMISOM.

Waxay dowladani ay deeq ahaan uga heshaa midowga Yurub lacag dhan 13 Milyan oo doolar Sanadkii, halka ciidamadeeda Soomaaliya ka joogana la siiyo 52 Milyan oo doolar oo sanadkii ah.

Goobjoog News