U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Sacuudiga Ka Dalbanaya In Uu Caddeeyo Sababta Loo Xirxiray Haweenka U Dooda Arrimaha Xaquuqda

Sheeko:Caalamka

Midowga Yurub ayaa Sacuudiga ka dalbaday in ay caddeeyaan sababta ay u xirxireen haweenka u ololeeya Xaquuda bani’aadannimada iyo eedeymaha loo jeediyay, waxaa ayna tilmaameen in haweenka xiran uu Sharciga u ogolaanayo in ay is difaacaan.

Sacuudiga ayaa xirxiray bilii u dambeeyay tiro ka mid ah haweenka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Xaquuqda dumarka, waxaana ka mid ahaa haweenka la xiray kuwii ka qeyb-galay ololihii lagu doonayay in haweenka loo ogolaado wadista gawaarida iyo in la soo afjaro nidaamka ka warqabka dumarka.

Howlaha xirxiridda haweenka u ololeeya xaquuqda dumarka ayaa waxaa uu dhibaato diblomaasiyadeed ka dhex kiciyay Canada iyo Sacuudiga, kadib markii ay dalbadeen Madaxda Sacuudiga in la siidaayo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka oo xiran.

Afhayeen u hadlay Siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo lagu magacaabo Federica Mogherini ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu wadi doono arrimaha ku saabsan in Madaxda Sacuudiga ay caddeyn ka bixiyaan sababaha loo xiray haweenka u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda haweenka.

Goobjoog News