U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Sameynaya Qorshe Lagu Mideynayo Howlgalkooda Soomaaliya, Mali, iyo Central African Republic.,

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in Isniinta soo socota ay go’aamiyaan sidii lagu sameyn lahaa xarun guud oo lagu fuliyo tababarada howlgallada ka socda Mali, Soomaaliya iyo dalka loo yaqaano Central African Republic.

Arrintan waxaa lagu wadaa in ay xoojiso xiriirka iyo wada shaqeynta dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub, waxyaabaha horyaallo waxaa ka mid ah dhibaatada ka jira Jaziiradda Crimea iyo khatarta ay sheegayaan in ay uga iman karto Islaamiyiinta.

Wasiirrada arrimaha dibadda 28 dal oo midowga Yurub ahaa lagu wadaa in isniinta ay ku kulmaan magaalada  Brussels, iyaggoo sameyn doon hogaan cusub oo lagu magacaabo Military Planning and Conduct Capability (MPCC), si horay loogu wado howlgallada ururkaan uu ka fuliyo gobolka.

Madaxweynaha Mareynkanka Trump ayaa waxyaabaha uu ka soo horjeestay waxaa ka mid ahaa in uu ururkan ku bixiyo lacago aan natiijo laheyn.