U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Soo Dhoweeyay Heshiiska Ay Kala Saxiixdeen Itoobiya Iyo Eritrea

Sheeko:Caalamka

Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed oo ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, kaasi oo lagu dhameynayay muranka u dhaxeya labada dhinac.

Ergeyga u qaabilsan Midowga Yurub siyaasadda arrimaha dibadda Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiskii ay sida wadajirka ah ay u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Eritrea inuu ka turjumayo dhaqaaq taariikhi iyo geesinimo ah oo ay qaadeen Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Federica ayaa caddeysay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu taageero siinayo Itoobiya iyo Eritrea si loo xoojiyo xiriirka labada wadan fursado cusubna la abuuro si ay isku kaashadaan gobolka iyo qaaradda.

Itoobiya ayaa shalay ka dalbatay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres in cunno qabateynta uu golaha ammaanka ka qaado Eritrea

Eritrea ayaa xornimada ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993-dii, ka dib dagaal socday muddo dhan 20 sano balse loolanka Soohdinta magaalada Padmé ayaa mar kale ka dhex bilowday labadooda sanadkii 1998-dii waxaana waqtigaasi go’ay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Algeria ayaa martigalisay bishii December 2000 saxiixa heshiis nabadeed oo u dhaxeeya labada dal, kaasi oo lagu dhameynayay dagaalka Soohdimaha .

Bishii la soo dhaafay waxay Itoobiya ay ku dhawaaqday inay si buuxda ay u fulineyso heshiiskii sumadeynta Xuduudaha .

Goobjoog News