U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Soomaaliya Ka Fulinaya 9 Mashruuc oo lagu Taageerayo Bulshada Rayidka iyo Xuquuqul Insaanka

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub, Wasaaradda Qorsheynta iyo Beesha Caalamka ayaa isniintii daahfuray mashaariic 9 ah oo lagu Taageerayo Bulshada Rayidka iyo Xuquuqul Insaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah Hiigsiga 2016-ka, waxaa ku baxaya ilaa 11 Milyan oo EUR, waxaana fulin doona 7 hay’adood oo caalami ah iyo 11 hay’adood oo maxali ah(NGO).

Mashaariicdan waxaa ay ujeedadu tahay hor u marinta arrimaha nabad galyada iyo dhismaha qaranka, waxay bulshada rayidka ku dhiirigelinayaan in ay ka qeyb galaan dhismaha dowlanimo ee dalka, iyadoo hoos loogu dhaadhici doono waxyaabaha keena khilaafaadka iyo gocashada daba dheeraatay.

Midowga Yurub waxaa ay bulshada rayidka siiyeen lacag dhan ilaa 20 Milyan oo EUR mudadii u dhaxeysay 2012-2015-ka, sidaa waxaa sheegay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone.

Goobta Heshiiskan lagu kala saxiixday waxaa joogay Wasiiro ka socda dowladda Federaalka ah  oo uu ugu horeeyo Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdi raxmaan Ceynyte iyo Maamul goboleedyada dalka .

Goobjoog News