U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Taliye Cusub u Magacaabay Howlgalka Atlantic Ee Lagula Dagaalamayo Burcad Badeedda Soomaalida

Sheeko:Dalka

Gudiga siyaasadda iyo aminaga ee midowga Yurub ayaa u magacaabay taliye cusub hawlgalka Atlantic ee lagula dagaalamayo burcad-badeeda Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa u magaacabay Admiral Stefano Barbieri oo dhalashjadiisu tahay talyaani inuu noqdo taliyaha ciidamada midowga Yurub ee ka illaaliya burcadbadeeda Soomaaliyeed iney weeraro u geysteen maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.

Stefano Barbieri ayaa xilka kala wareegaya Alfonso Gomes Fernandez kaasoo hayey xilkan tan iyo 6dii bishii may ee sanadkan.

Qorshaha ugu weyn ee hawlgalka looga hortagayo burcadbadeeda Soomaaliyeed ee midowga yurub wuxuu yahay in la illaaliyo maraakiibta gargaarka ee hay’ada WFP maraakiibtaas oo u sida cuno iyo dawo dadka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub waxay sheegeen in ciidamadani ay si weyn uga hortegi doonaan weeraro burcadbadeeddu ay ka geystaan biyaha Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Midowga Yurub waxaa lagu sheegay in hawlgalka Atlantic sidoo kale lagu illaalinayo islamarkaana looga hortagayo kalluumeysiga sharci daradda ah ee laga geysto biyaha Soomaaliya.

Goobjoog News