U bood dhigaalka

Miisaaniyadda 2020 iyo Faahfaahinta Guud ee Mushaaraadka Ciidamada iyo Agoonta!

Sheeko:Dalka

Inkasta oo maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay sugidda amniga dalka laakin sida ku qoran shaxda ay todobaadkan daabacday wasaaradda maaliyadda waxaa hadda mushaari ah ilaa 40 kun oo ciidan, kuwaas oo qaadanaya $146 million.

Tirada xoogga dalka guud ahaan waa: 24,063 waxaa kale oo wehliya 2,083 oo ah agoonta xoogga ah, tirada booliisku waa 12,084 oo lagu daray agoonta oo gaareysa 1.557 halka asluubta lagu sheegay 1,112, waxaan cadadkooda aan la shaacin NISA iyo kuwa gaarka ah!

Miisaaniyadda 2020, xoogga dalku waxay mushaar ahaan u heli-doonaan ilaa $81,064,240, waxaa ku jira ilaa 7 Major General, Brigadier General(89), Colonel(178), Lieutenant Colonel(122), Major(252), Captain(432), Lieutenant(633), Second Lieutenant(1,682) iyo lugta oo gaaraya 20,668.

Mushaarkooda waa kala badanyihiin oo tusaale ahaan 7-bada Major General waxaa uu midkiiba bisha qaataa $1,200 halka ciidanka lugta midkiiba la siinayo $170 iyo cuntada oo ah $30. Ciidamada lugta ee tiradoodu tahay 20,668 waxay heli doonaan $48.6 million.

Dhanka booliiska iyaga waxaa ku jira 5 Majors General oo qaadan doona mushaar la mid kuwa xoogga dalka halka kuwa darajada hoose waxay qaadan doonaan ($170) iyo $30 cunto ah sida militariga.

Waxaa kale oo jira Ila 2,112 oo saraakiil booliis ah oo miisaaniyadda 2020 ku leh $42 million oo isugu mushaar iyo Cunto.

Agoonta xoogg dalka oo gaareysa ilaa 2,083 iyo kuwa booliiska oo tiradoodu tahay 1,557 waxaa loo qoondeeyey $200 oo mushaar iyo cunto ah.

NISA, tiradoodu waa la qariyey laakin waxaa ay bishii isticmaalaan $552,950 halka sanadkiina ay ku baxeyso 14.5million.

Asluubta waxaa ku jira saraakiil qaata lacag ka badan kuwa xoogga dalka iyo booliiska, tusaale ahaan Lieutenant General waxaa bishii soo gasha $5,000 halka Major General ay qaataan sida kuwa ciidamada kale -$1,200.

Saraakiisha asluubta oo gaaraya 2112 waxaa loo qoondeeyey $8.6 million.

Ciidamada tiro ahaan intaas la eg, oo mushaarkaas qaadanaya, oo weliba mar walbo loo doodo in loo kordhiyo waxay sugi la’yihiin keliya amniga caadimadda Muqdisho, 3-dii sano ee tagtay marka laga reebo tuulooyin ay qabsadeen oo dib looga qabsaday, ilaa hadda lama wareegin maamulka hal magaalo la yaqaano, waxayna cadowgoodu ku sugaan xeryaha.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye