U bood dhigaalka

Milatari Gadoodsan Oo Dibadbax Ka Dhigey Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamo Milatari ah islamarkaana ka gadoodsanaa mushaar la’aan ayaa waxay goor dhow dibadbax ballaaran ka dhigeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Suuqa B/xuubey ee degmada Wadajir iyo aargada KM-4.

Ciidamadan oo tiro ahaan ka badnaa 100 ayaa waxay socod ku mareen qeyb kamid ah wadada Makka Al-mukarrama, waxay xireen xarumo ganacsi oo dhowr ah, waxaana sidoo kale hakiyeen isku socodkii gaadiidka dadweynaha.

Qaar kamid ah ciidamadan ayaa sheegayey in aysan muddo qaadan wax mushaar ah, waxayna ku doodayeen iney raadinayaan xuquuqdooda.

Daqiiqado badan kadib, waxaa laamiga Makka Al-mukarrama yimid saraakiil sarsare oo Milatari ah, kuwaasi oo ku amray ciidamadan iney dibadbaxa joojiyaan, waxaana dhammaantood loo kaxeeyey xarunta taliska ciidanka xoogga dalka ee Villa Baydhabo.

Maalmahan dambe waxaa dalka kusoo badanayey ciidamada ka gadoodsan mushaar la’aanta xilli dalka hadda ay maamuleyso dowlad cusub oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soo wararkeena kale

Goobjoog News