U bood dhigaalka

Milatariga Uganda Oo Billaabay Baaritaanka Askartooda Lagu Qabtay Iibinta Qalab Milatari

Sheeko:Dalka

Militeriga dalka Uganda ayaa sheegay in la bilaabay baaritaano ku aaddan wararka sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay ku lug lahaayeen iibinta qalab militeri.

Korneyl Paddy Abkunda oo ah afhayeenka ciidamada dalka Uganda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Xinhua iney la shaqeynayaan ciidamada boliiska Soomaaliyeed si loo ogaado jiritaanka in ciidamada la qabtay iyagoo qalab militeri iibinaya.

“Baaritaan guud ayaa hadda socda haddii dembi lagu helana waxay wajihi doonaan ciqaabta sharicigu ka qabo falkaas dhaqanka nuucaas ah waa mid aan la qaadan Karin ayuu yiri Mr Paddy Unkunda”

Shan askari oo u dhashay dalka Uganda hal Burundi ah iyo toban qof oo Soomaaliyeed ayaa axaddii lagu soo qabtay.

Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka war hayeen tuhumada la xiriira ciidamada qalabka militeri lagu qabtay iyagoo iibinaya kuwaasoo ku hawlgala magaca ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM kuwaasoo loogu talagalay inay ka caawiyaan Soomaaliya sidii loo xasilin lahaa.

Hawlka AMISOM war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in la bilaabay baaritaanada askartaa waxayna ballanqaadeen inay tilaabo adag ka qaadi doonaan haddii lagu helo falkaas marka baaritaanku soo gabgaboobo.

Midowga Africa ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada boliiska Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan baaritaanada la xariira arrintan illaa meesha ugu dambeysa waxaana la qaadi doonaa tilaabooyin lagu cirib tirayo falaka nuucaan ah ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Taliyaha ciidamada boliiska Soomaaliyeed Jeneral Maxamed Xasan Xaamud ayaa sheegay in shanta askari ee ka socda midowga Africa iyo tobanka qof ee shacabka ah in lagu qabtay gobolka Banaadir iyadoo AMISOMna ay ka war heshay in ciidamadooda ay ku lug lahaayeen falkaas sharci darrada ah.

Goobjoog News