U bood dhigaalka

Militariga Suudaan Oo Xiray Al-bashiir, Dalkana Maamuli-doono 2 Sano

Sheeko:Amniga

Wasiirka gashaandhigga Suudaan Cawad Bin Cawf oo bayaan ka akhrinayey Telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in ay xireen madaxweynaha dalka Cumar Al-bashiir.

Wasiirka waxaa uu intaas raaciyey in madaxweyne Al-bashiir uu noqdey nin madax adag, waxaa kale oo uu sheegay in la kala diray madaxtooyada, golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo xukuumadaha gobollada.

Golaha amniga, oo maamuli-doono muddo 2 sano oo KMG ah waxaa ay sheegeen in uu jiri doono 3 bil oo xaalad degdeg ah iyo bil oo bandow ah.

Goobjoog News