U bood dhigaalka

Minnesota: Xasan Shiikh oo la kulmay Soomaalida Minneapolis ee dalka Maraykanka

Sheeko:War
Madaxweyne Xasan oo khudbad ka eedinaya kulanka.
Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeedinaya kulanka.

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareekanka waxa uu kulamo kula qaatay qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida halkaasi ku Nool.

Madaxwayne Xasan ayaa Jaaliyada Soomaalida kala hadlay xaalada Dalka iyo sida Dowlada Federeaalka ay u wajahayso Maamullada Dalka.

Jaaliyada Soomaalida ayaa dhankooda Madaxwayne Xasan waxa ay u jeediyeen talooyin la xiriira wax ka qabashada amamanka Magaalada Muqdisho.

Wariye Faarax Blue oo ku sugan Magaalada Miniyaabulis ee Dalka Mareekanka ayaa sheegaya in Magaalada aysan ka dhicin dibadbaxyo la mid ah kuwo hore uga dhacay Magaalooyinka dalkaasi ee looga soo horjeeday Madaxwayne Xasan..

Dhinaca kale qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Mineapolis ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay mudaaharaad ka dhan ah madaxweynaha, kuwaasoo dowladda ku eedeeynayay musuq-maasuq iyo inay ku fashilantay arrimaha ammaanka.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ugu qeyb galay shirkii dhawaan lasoo gabagabeeyay ee ay yeesheen madaxda Afrikaanka iyo Mareykanka.