U bood dhigaalka

Mo Farah Oo Looga Shakiyey In uu Maandooriye Isticmaalo, Lana Baarayo

Sheeko:Cayaaraha

Oradyahanka weyn ee heysta dhalashada dalka England Mo Farah ayaa waxaa la marsiin doonaa tijaabo caafimaad iyada oo looga shakisan yahay in uu isticmaalo daroogo xilliga uu orodka ku jiro.

Guddiga Ciyaaraha Fudud ee dalka UK ayaa waxa ay macalinka Mo Farah oo lagu magacaabo Alberto Salazar ay ku heyleen dacwad ah in uu isticmaali jiray daroogo sidaasi darteed loo baahday in orodyahankan isagana la baaro.

Farah ayaa waxa uu u duulay dalka Mareykanka si uu halkaasi kula soo kulmo macalinkiisa Salazar iyaga oo ka wadahadlaya arinkaan soo kordhay.

Tababare Alberto Salazar ayaa beeniyay wax kasta oo eedeyn ah oo isaga loo heysto isla markaana laga sii daayay Telefishinka BBc-da , sidoo kale waxa eedeynta ku jira Galen Rupp oo ah orad yahay u dhashay dalka Mareykankan waxaana macalin u ah isla Salazar isaga oo ku guuleystay bilada Qalinka ah orodka 10 000 e Mitir waxa uuna tababarka la qaataa Farah.

Dhanka kale wax cadeyn ah looma hayo in orodyahay Farah in uu ku lug leeyahay arinkaan lagu soo eedeeyay macalinkiisa Salazar.

Farah ayaa maalintii Axada eheyd waxa uu isaga baxa xarunta uu tababarka ku qaato ee Diamond League oo ku taala magaalada Birmingham, waxaana sababta lagu sheegay in uu daalnaa.

Go’aankan lagu baarayo 32-sano jirkaan asal ahaan kasoo jeeda Somalia ayaa waxa uu yimid ka markii hal maalin ay kasoo wareegatay ku dhawaaaqista in uu ka baxay ka qeybgalka tartanka orodka Aduunka iyo Yurub Mitirada kala ah 5 000 and 10 000,sababa la xiriirta kiiska lagu hellay tababarihiisa.

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka England ayaa waxa ay sheegeen in ay ganaaxi doonaan Farah maadaama uu ku dhaqaaqay go’aan isaga u gaar ah oo la xiriirta dacwada loo heysto Salasar.

Goobjoog News