U bood dhigaalka

Mombasa: IGAD Iyo Soomaaliya OO Iska Kaashaday Tababar La Xiriiray Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

Waxaa magaalada Mombasa ee Dalka Kenya lagu soo gebagebeeyey tababar ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka, urur goboleedka IGAD iyo bankiga aduunka kaasoo lagu baranayo qiimeynta iyo ka soo kabashada musiibooyinka.

Tababarkan oo soconayey mudo 5 maalin ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa khibrada iyo aqoonta loo leeyahay sida loo qiimeyo marka ay dhacaan musiibooyin iyo sida looga soo kabto. Soomaaliya waxaa ka dhaca musiibooyin dabiici ah sida Abaaraha, Dabeylo iyo fatahaada webiyada.

Waxaa tababarkan ka qeyb galay 40 qof oo kala socda wasaaradaha kala duwan ee Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’adaha maxaliga ah.

Waxaa sdioo kale goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Bankiga aduunka, Qaramada midoobe, Midowga Yuurub iyo midowga Africa.

Dadkii ka qeyb galay tababarkan ayaa la rajeynayaa in ay  kororsadeen  aqoon iyo qibrad ay la wadaagi doonaan dadka jooga magaalooyinki iyo hay’adihii ay matalayeen.

Inta uu socday shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray ka dooditaanka siyaasada ka soo kabashada musiibooyinka, Qaabka maalgelinta ka soo kabashada, Taaba-gelinta mashruucyada iyo in la horumariyo istiraatiijiyada ka soo kabashada musiibooyinka.

Goobjoog News