U bood dhigaalka

Mooshin Laga Gudbiyey Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle

Sheeko:War

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Mooshinka oo taariikh ahaan xildhibaannada ay diyaariyeen 15-08-2018 ayaa iminka laga qabtay.

Afhayeenka baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka guddoomay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Waare.

Mooshinkani kalsooni kala noqoshada ee laga gudbiyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa loo cuskanayaa eedeymo dhowr ah sida in madaxweynuhu uu ku kacay ku takrifal awoodeed, musuqa hantida qaranka, xil gudasho la’aan iyo arrimo kale.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News