U bood dhigaalka

Mooshin Laga Keenay Muungaab oo Loo Gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdiraxman Suge Maxamed oo ka mid ah Saxiixayaasha Mooshin ka dhan ah Duqa Magaalada Muungaab ayaa  u sheegay Goobjoog News in 10 Xildhibaan ay Mooshinkan u gudbiyeen gudoonka Baarlamaanka si ay arimo dhul muran ka  taagan su’aalo uga weydiiyaan Duqa Magaalada Muqdishu Xasan Maxamed Muungaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ilaa 3 jeer isku dayeen in ay la kulmaan Mr. Muungaab balse aanay suuro-galin kadibna ay Mooshin isku keeneen sida uu qabo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka

Xildhibaanka ayaa ka digay in dhulalka la kala iibsano aanay shacabka ku degdegin iyo in loo baahanayahay in wax laga ogaado Hantida guud iyo Hantiga gaar ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Mooshinka ay keeneen dhowr guddi oo isku tagtay sida Gaadiidka iyo Guddiga Ganacsiga.