U bood dhigaalka

Mooshin: Xildhibaanno Sheegaya In Eex Iyo Musuq Ka Jiro Guddiya GSHS Iyo Xubnaha Matala Urur Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa Isniintii golaha shacabka la hor-keenay mooshin lagu dalbanayo dib-ugu-noqoshada guddiyada golaha shacabka iyo guddiyada golaha uga midka ah urur goboleedyada.

Mooshinka waxaa lagu sheegay in guddoonka golaha shacabka uu ku xadgudbay xeer hoosaadka GSHS, iyada oo intaasi lagu daray in si sharci-darro ah loo abaabulay guddoonka guddiyada golaha shacabka iyo xubnaha baarlamaanka u matala urur goboleedyada.

Xildhibaannada Mooshinka saxiixay oo 38 gaaraya waxaa ay qabaan in guddiyada golaha shacabka iyo xubnaha baarlamaanka ee urur goboleedyada ay ka muuqato eex  iyo nin jecelsi ku qotoma musuq-maasuq, iyada oo soo jeediyay in dib loogu noqdo labada arrin si looga saaro musuqa ka muuqda qaab-dhismeedka hadda jira.

Halkan ka Akhriso, Mooshinka Oo Dhameystiran:

1 2 3