U bood dhigaalka

Mooshinka Maamul Goboleedyada, Mushkilad Cusub oo Siyaasadeed

Baarlamaanka SoomaaliyaWaxaa wali baarlamaanka federaalka horyaala mooshin lagaga soo horjeedo golaha wakiilada ee Jubbaland , kaasi oo aanan wali go’aan laga gaarin.

Shalay waxa ay ahayd in wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa uu baarlamaanka hortago, balse taasi ma dhicin, waxaana la filayaa in fadhiga xiga ee baarlamaanka uu yeelanayo go’aan looga gaaro sida laga yeelayo mooshinkani, lamana hubo in cod la galin doono iyo in kale.

Kani waa mooshinkii ugu horeeyey oo laga keeney maamul goboleed, waana xaajo ugub ah oo dalka galin karta marxalad siyaasadeed oo cusub.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo dhawaan hadlay waxa uu sheegey in aysan sharci ahayn dowlad goboleed uusan baarlamaanka ansixinin, wuxuuna ka digey in loogu yeero magaca dowlad goboleed iyada oo uusan baarlamaanka ansixinin.

Digniintani waxa ay ku socotey xukuumadda iyo madaxweynaha oo si joogto ah warsaxaafadeedyada iyo heshiisyada u isticmaala magaca dowlad goboleed, iyada oo sidoo kale beesha caalamka ay magacaasi isticmaasho.

Inkasta oo dastuurka uu yahay mid qabyo ah, islamarkaasina dib u eegis lagu wado, ayaa hadana waxaaba la’isku hayaa in dastuurka uu baarlamaanka xaq u siinayo in uu ogolaado ama diido dowlad goboleedyada dhismaya iyo baarlamaanadooda.

Haddii si kale loo dhigo, dastuurka si fiican uma qeexayo kaalinta uu baarlamaanka federaalka ku leeyahay dowlad goboleedyada iyo baarlamaanadooda, waxayna xildhibaanada qaarkood sheegayaan in baarlamaanka federaalka doorkiisa uu ku egyahay talo bixin oo kaliya.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay qabaan in baarlamaanka kaalin ku leeyahay maamul goboleedyada, balse hadda aanan la gaarin xiligii uu talaabo ka qaadi lahaa maadaamaa aanan la samaynin dhamaan hawlihii uu dastuurka farayay, waxaa xildhibaanada aragtidaasi qaba ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil.

“Baarlamaanka eed weyn ayuu leeyahay oo ku saabsan qaanuunkii la dhigtay uu burburiyay taasi oo ku aadan maamul gobaleedyada la sheeg sheegayo, qodobka 49-aad waxa uu sheegayaa in baarlamaanka uu sameeyo guddi kasoo baaraan dega imise dowlad gobaleed ayuu wadanka qaadanayaa, marka Koowaad intaasi meel la’isla dhigaa, Federaalka isna waa in la is weydiiyaa yaa Federaal ah, qaanuun ayaa la dhigayaa buug ayaa lasoo saarayaa markaas ka dib qaanuunka ayaa horkacaya oo sheegaya sidaas ayaa wax loo qabanayaa, wuu farayaa buugaan hadda la haysto baarlamaanka qaabkii loo mari lahaa howlahaan, waxaas oo dhan baarlamaanka waa uu iska indho tiray, tan kale mooshinka ay hadda wadaan yeey ka wadaan, sharci la jabiyay ayaa laga keenaa, maamulka ay mooshinka ka keeneen ma sharciyeesan yahay, miyeey u codeeyeen, qaanuun u degsanaa miyuu qalday, hadii ay taas tahay wey saxan yihiin, laakiinse markii horeba hadii aysan iyagu dhisin ama aysan sharciyeen wax ay mooshinka u keenaan maba jiro” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil.

Baarlamaanka hadda jira oo looga bartay mooshino isdaba joog ah oo qas iyo jiho wareer siyaasadeed dalka galiyey, ayaa waxa ay dad badan ka baqayaan in haddii la siiyo awoodda diidmo iyo ogolaansho ee dowlad goboleedyada, in markaasi mooshinada ay noqdaan sidii tusbax go’ay oo kale, oo ay sheekada noqoto sidii ra’isulwasaarayaasha mooshinada laga keenayay.

Haddii mooshinkani loo codeeyo, waxa ay tani keeni kartaa in maamulada kale sida Koonfur Galbeed, Puntland iyo waliba maamulada dhismaya sida Gobolada Dhexe iyo Hiiraan iyaguna laga keeno mooshino kale haddii lagu qanci waayo.

Iyada oo la hiigsanaya sanadka 2016-ka oo lagu wado in doorashooyin dhacaan, dhismaha maamul goboleedyada dhameystirmaan, ayaa mooshinada biloowdey waxa ay horseedi karaan dib u dhac weyn oo kale, iyada oo markii horaba dib looga dhacay hawlo badan oo la qaban lahaa.

Waxaa kale oo farta lagu fiiqayaa in baarlamaanka laftiisa uu ka mashquuli doono hawlaha u yaala ee ah sharci dajinta iyo meelmarinta sharciyada tirada badan ee horyaala.

Goobjoog News