U bood dhigaalka

Mooshinka Xasaanadda oo Maanta Baarlamaanka Horyaalla Iyo Magacyada Xildhibaannada 54 Ah Ee Ku Saxiixan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney mooshin ka geeyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ka dib, markii ay dhageysteen khudbaddii madaxweynuhu uu ka jeediyey fadhigii gaarka ahaa ee baarlamaanka 7 Feb 2016, taas oo si gaar ah ugu hadlay in Xildhibaanada iyo Wasiirada ay iska billaabaan in la baaro oogadooda qof ahaaneed, arrinkaas oo ay yiraahdeen waxaa uu meesha ka saarayaa Xasaanadda ay leeyihiin Xildhibaanda Golaha Shacabka JFS.

Arrinta uu madaxweynuhu ka hadlay ayay yiraahdeen xildhibaanadu waxay u keeni kartaa isku dhac  ciidamada ammaanka iyo mudanayaasha golaha Shacabka JFS, sidoo kale wuxuu shacabka Soomaaliyeed gelinkaraan iney ka marin habaabaan qaanuunka dalka u yaalla, maadaama uu madaxweynaha Jamhuuriyadda uu xurmeyn waayey dastuurka KMG ee JFS.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar ayaa xubnaha baarlamaanka u sheegay Axaddii in 16 ka bishan oo maanta oo talaado ah  laga hadli doono mooshinka Xasaanadda, baarlamaankuna ka doodi doono.

Riix Halkaan si aad u akhrisato mooshinka iyo magacyada xildhibaannada ku saxiixan