U bood dhigaalka

Mooto Bajaajta Oo Laga Mamnuucay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in maanta magaaladaasi laga mamnuucay inay ka dhex shaqeyso Mootada nooca Bajaajta loo yaqaano.

Hadal kasoo baxay maamulka magaaladaasi iyo saraakiisha amniga ayaa lagu sheegay in Bajaajta aysan ka shaqeyn karin magaaladaasi oo maanta martigelinayso madaxda dalka.

Sababo la xiriira amniga Baydhabo oo aad loo sugayo ayaa la sheegay in maanta iyo Berri mootooyinkaasi shaqeyn karin.

Sidoo kale waxaa jira waddooyinka qaar oo laga mamnuucay inay maraan gaadiidka dadweynaha si loo hantiyo amniga guud ee magaaladaasi.

Maanta oo Arbaco ah gaar ahaan gelinka dambe ee maanta waxaa la filayaa in Baydhabo uu ka furmo shirka madasha Wadatashiga Qaran.

Goobjoog News