U bood dhigaalka

Donald Trump iyo Hillry C linton Oo Dooddii Ugu Dambeysay Yeeshay

Sheeko:Caalamka

Musharrxa  Donald Trump ayaa diiday ballanqaadida inuu aqbalayo natiijada ka soo baxdo  doorashada bisha soo socota ka dhaceyso  Mareykanka, xilli uu xalay dood kulul; la yeeshay  Hillary Cilinton .

Mr trump ayaa ku celceliyey eedeyntiisa  aheyd  in nidaamka madaxtinimada Mareykanka  looga shubtay , waxaana uu sheegay in uu arki doono sida ay waxa u dhacaan uuna qiimeyn doono sida ay u dhaceyso doorashada madaxtinimo ee mareykanka .

Ms Clinton ayaa sheegaty in ay ka argagaxday in musharraxa madaxtinimo  ee Mareykanka ah uu feker noocaasia ah uu qabo waxaana Trump ku dhaleeeysy  in uu hoos u dhigay dimuqaraadiyadda mareykanka.

Mar uu ka hadlaayey dagaalka ka socda magaalada Xelab ayaa waxa uu ka dhawaajiyey inuu yahay masiibo uuna ku eeddeeyey Hillry Cllinto iney lug ku leeday dagaalka ka socda Xelab.

Mr Trump ayaa waxa uu ballan ku qaaday hadduu noqdo madaxweynaha mareykanka inuu darbi weyn ka dhisaayo inta u dhaxeyso mareykaka iyo wadanka maksiko si uu uha hortago dadka sida sharci darada ah ku soo gelaayo wadanka mareykanka .