U bood dhigaalka

Mucaaradka oo Ku Adkeysanaya iney Dibad-baxyadu sii Socdaan iyo Wasaaradda Amniga oo Ka Digtay

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey dibadbaxyadii dhacay talaadadii ayaa sheegay iney soo soconayaan oo weliba ay ka qeyb geli doonaan madaxda mucaaradka.

Madaxweyne Xasan oo arrinkan ka hadlayey ayaa yiri” Waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed ee ra’yigooda iney cabiraan si dimoqaadiyad ah oo nabad ah oo arkeyseen iyaga oo hadalyo, oo colaad iyo cunfi aan qabin,nabad ayaan rabnaa, magaaladan iney dunto ma ogolin, dhibaato ma rabo in la xabadeeyey, waxaan leenahay waxa aad sameyseen xuquuqdiina dastuuriga ahaa waaye, waan ku soconeynaa, haddii aan nahay siyaasiyiinta iyo midowga murashaxiinta bannaanbaxyadaas waan ka qeyb galeynaa, annaga ayaa qeyb ka noqoneyno, bannaabaxyadaas dimoqoraadiyadda ah oo nabadda ah”.

Dhanka kale, Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii talaalada ka dhacay magaalada Muqdisho aan lasoo ogeysiin hay’adaha amniga isla markaana aan loo baahneyn rabashado “Wixii maanta dhacay waxay ahaayeen falal amniga looga horjeedo oo wax-ma-garad la soo abaabulay oo iyagoo weliba qoryo wata jidadka lasoo tuba”

Wasiirka ii sii hadlaya “Bannaanbax iyo cabasho waa wax la oggolyahay, dastuurkaa oggol,adduunyadaa oggol,caqligaa oggol,sharcigaa oggol,cid kastaa oggol,waa marka qof la ogyahay ujeedadiisa uu sheegay amniga uyimaado,markaas dowladda waxaa ka saaran in goobtuu tegi lahaa asoo nabdoon tago.Dowladnimadeynu waxey ku dhisantahay ra’yi ra’yi ka duwan lama diidana taas”ayuu yiri wasiir Xundubey.

Goobjoog News