U bood dhigaalka

Mucaaradka Siiriya Oo Loo Ogolaaday In Ciidamo Dhaawac Ka Ahaa Kala Baxaan Magaalooyin Ay Ku Go’doon Sanaayeen

Sheeko:Dalka

Dagaal yahano dhaawacan oo ka tirsan mucaaradka dalkan Siiriya ayaa loo ogolaaday in ay ka baxan hareeraha Dimishiiq xaafado ku yaalla  oo ay ku go’doonsdanaayeen, taas oo qeyb ka ah hishiis dowladda iyo qaar kamid ah mucaaradku ay wada gaareen sida laga soo xigtay koox la socota xaaladaha dalka Siiriya.

Kooxda Xaquuqul insaanka ee Siiriya saldhigooduna yahay dalka Britain ayaa sheegtay in shalay oo Khamiis aheyd gawaari sida dhaawacyada mucaaradka ay ka soo baxeen xaafadda aAl-Qadam  oo ku taalla hareeraha Dimishiiq.

Dagaalyahanada waxaa ku jira kuwo ka tirsan Dowladda islaamiga ah kuwaas oo loo ogolaanayo in ay ka baxaan xaafadaha Yarmouk, Al-Hajar Al-Aswad and Al-Qadam oo dhammaan caasimada dalkaa aad augu dhow.

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale loo ogolaan doono in ay socdaalka ku wehliyaan qaar kamid ah xubnaha eheladooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meelaha dagaalyahannadaan ay aadi doonan ay ku yaalaan deeganadda hadda mucaaradku uu ku xoogga badan yahay, sida Bir Al-Qasab,Dimashq, baadiyaha Homs iyo  Raqqa.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in ay hishiiska kor kala socoto balse iyadu aysan qeyb ka aheyn kana qeyb qaadan.

ISIL ayaa joogitaankooda caasimadda siirya aad u yaraa inkastoo ay guulo waa weyn ka gaaratay  xerada qaxootiga Falastiiniyiintu ku noolyihiin ee Yarmouk oo ay heysteen tan iyo bishii April, xiligaas oo ay kooxadu u xoog sheegatay Falastiiniyiin dowladda Siirya taageersanaa oo xerada ka dhex dagaalamayey.

Goobjoog News