U bood dhigaalka

Mucaaradka Somaliland Oo Xisbiga Talada Haya Ku Eedeeyay Caburin Iyo Cadaadis

Sheeko:Dalka

Iyada oo dhowr bil naga xigaan doorashada maamulka Somaliland ayey axsaabta mucaaradka ka sheeganayaan dhibaato iyo xarig

Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxaa lagu eedeeyay in uu cadaadis iyo caburin ku haayo axsaabta mucaaradka ah ee maamulkaasi.

Xisbiga Wadani oo sheegta xisbiga ugu weyn maamulka Somaliland ayaa waxaa uu ku doodayaa in xubno ka tirsan xisbiga la xiray si looga hor istaago arrimaha ololaha doorashada.

Guddoomiyaha garabka dhalinyarada iyo xoghayaha Sportiga ayaa ka mid ah dadka xiran, iyaga oo intaa raaciyay in dadkaasi u xiran yihiin sharci darro, sidaa waxaa shir jaraa’id ku sheegay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Wadani.

Ugu dambeyntii, waxaa ay guddiga cadaaladda ee golaha sharci dejinta ugu baaqeen in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan iyaga oo la kaashanaya odoyaasha dhaqanka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada