U bood dhigaalka

Mucaaridka Somaliland oo Cambaareeyay Xarigga Saddex Xildhibaan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa cambaareeyay xarigga saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Oodwayne kuwaasi oo lagu xidhay magaalada Oodwayne.

Xildhibaanada la xidhay ayaa waxa ku jira maayar ku xigeenka degmada Oodwayne Maxamed Cumar Cilmi halka labada xildhibaan ee kale ay kala yihiin:  Ibraahim Maxamed Nuur iyo Cali Cabdi Warsame.

Guddomiyaha xisbiga Waddani ayaa ku tilmaamay xadhiga xildhibaanadan sharci jabin; “Waxa bisha soddonkeedii la xidhay nin xildhibaan ah oo ka tirsan golaha deegaanka ee gobolka Daad-madheedh degmada Oodwayne oo magaciisa la yidhaa Cali Cabdi Warsame oo la xidhay soddonkii Jeeniweri,  waxaa kaloo ka yaab badan in maayar ku xigeenkii gobolka Daad-madheedh degmada Oodwayne Maxamed Cumar Cilmi iyo Xildhibaan Ibraahim Maxamed Nuur iyana xalay lasoo xidhay. Xadhiga xildhibaanadaasi waa sharci iyo dastuur jabin” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland illaa hadda kama hadlin xadhiga xildhibaanadan la sheegay in lagu xidhay degmada Oodwayne ee gobolka Daad-madheedh.

Ugu dambeyntii, Qodobka 24(3) ee Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa wuxuu sheegayaa: “xubinta Golaha lama qaban karo haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha ama aanu fal dambiyeed faraha kula jirin.”

Goobjoog News