U bood dhigaalka

Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Qodobadii Shir Madaxeedka IGAD oo Hargeysa Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Mudaharaad Ballaaran oo looga soo horjeedo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shir madaxeedkii IGAD ee Muqdisho oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa.

Magaalada Hargeysa ayaa saaka mar qura lagu baraarugay mudaharaad ballaaran oo ka dhacay qeybo badan oo ka tirsan magaalada, kaas oo looga soo horjeedo qodobadii shir madaxeedka IGAD ee dhawaan ka qabsoomay Muqdisho.

Mudaharaadkan oo ay soo abaabushay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu taageeray go’aankii ka soo baxay madaxtooyada maamulka, kaas oo looga soo horjeeday qodobadii shirka IGAD ee midnimada Soomaaliya.

Shabacka dibadbaxa iskugu soo baxay ayaa watay boorar la soo diyaariyay oo ay ku xardhanaayeen goonni isku taagga Soomaalilad, waxaana xirmay qeybo ka mid ah waddooyinkii magaalada oo isku socodka gaadiidku uu xayirmay qulqulka dadka dartii.

September 13-keedii ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomay shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD muddo 30 sano ah ka dib, iyadoo ay ka qeybgaleen madaxweynayaasha dalalka, Soomaaliya,  Kenya, Uganda, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin matalayasay Sudan iyo Jabuuti, iyadoo ay shirkaa ka soo baxeen qodobbo lagu taageeray midnimada Soomaaliya iyo inay horay loo sii dhaqaajiyo wada hadalka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Goobjoog News