U bood dhigaalka

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay mooshin ka dhan ah shirkadda Al-bayrak

Sheeko:Dalka
Mahad Cabdalle Cawad
Mahad Cabdalla Cawad

Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mooshin ka keenay sharci ahaanshaha shirkadii shalay lagu wareejiyay maamulida dekedda Muqdisho.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo ahaa kalfadhiga 5-aad fadhigiisa 1-aad waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana shirka goob joog ahaa xildhibaano gaaraya 139 mudane, ajandaha kulankana waxa uu ahaa qeybinta mooshin ka dhan ah jebinta qaraarkii Baarlamaanka ee la xiriiray dekedda Muqdisho kaasi oo ay golaha u soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka mid ah mudanayaasha soo saxiixay mooshinkan ayaa ka hor aqriyey Baarlamaanka waxaana uu xusay in mooshinkan ay soo raaciyeen cabashada howl wadeenada shirkadaha maraakiibta, xoogsatada Maja-kuus iyo muruq maalba muhiimaduna ay tahay sababta loo jebiyey qaraarkii uu horey u qaatay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa xildhibaannada u faah faahiyey nidaamka sharci ahaan ay tahay in la marsiiyo heshiisyada caalamiga ah ee maal gashiga shisheeye waxaana uu dhanka kale Baarlamaanka ka hor aqriyey qoraal uu soo gudbiyey hanti dhowrka guud ee qaranka kaasi oo ku saabsanaa heshiiska dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Mahad Cabdalla Cawad oo gabangabadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in guddoonka Baarlamaanka uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda u yeerayo sababta uu golaha shacabku arintan u eegayana ay tahay in aanan la dulmin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dekedda caalamiga ah ee Muqdisho.

Labadii April ee sanadkan ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayey in aanan lagu wareejin karin dekedda Muqdisho shirkadda Al-Bayrak ee dalka Turkiga ilaa inta heshiiskaasi baarlamaanka laga hor keenayo waxaana hada ay arintu ku soo biyo shubatay in loo yeero ra’isulwasaaraha xukuumadda si uu Baarlamaanka jawaab uga siiyo arinta la xiriirta dekedda Muqdisho.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda ugu wareejisay shirkada Al-bayrak maamulida dekedda Muqdisho.