U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Ka Hadlay Waxa Ay Ku Dooran Doonaan Madaxweynaha Maamulkaasi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Aadan oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in isbedal badan ay u keeni doonaan gobalada Mudug iyo Galgaduud, iyo sidoo kale in doorashada madaxtinimo ay u dhici doonto qaab cadaalad ah.

Waxa uu sheegay in ay u dhaarteen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Galgaduud, isagana uu nasiib u yeeshay in dadkiisa uu u shaqeeyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxqabadka ay hiigsanayaan mar uu soo hadal qaaday ayuu tilmaamay in ay tahay sidii ay uga sari mari lahaayeen maamulada kale ee dalka ka jira.

Dhanka kale waxa uu meesha ka saaray xildhibaankaan in shaqsiga ay madaxweyne u dooran doonaan aysan ku xulan doonin dhaqaale ama wax la mid ah, balse ay codkooda ku dhiiban doonaan hadallada ay musharaxiinta u jeediyaan.

“Anaga waxana dhageysan doonnaa musharaxiinta qudbadahooda, mas’uul walba waxa uu soo bandhigi doonaa afkaartiisa, cidii aan u aragno in ay wax qabanayso ayaan u codeyn donnaa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa dooran doona gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana xigi doonta doorashada madaxweynaha Galmudug.

Goobjoog News