U bood dhigaalka

Mudanayaasha Aqalka Sare Ee Galmudug OO Walaac Ka Muujiyay Dagaalka Gaalkacyo, Kuna Baaqay Howlgelinta Guddiyada Wada Hadalka

Sheeko:Dalka

Mudanayaasha  Aqalka Sare ee dhowaan laga soo doortay Dawlad goboleedka Galmudug, waxay ayagoo aad uga xun walaac ka muujinayaan dagaalada soo noqnoqday ee ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee dadka walaalaha ah ee deeganadaas ku wada nool u dhexeeya.

Waxaan aad uga xunnahay dhibaatooyinka dagaaladaas ka dhashay ee isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyeed iyo colaad sii gaamurta oo kala dhex-gasha dadka walaalaha ee ood wadaagga ahl, ayadoo aan aaminsannahay in horumarka ka jira deegaanadaas uusan aheyn mid xamili kara colaad hor leh oo halkaas ka dilaacda.

Mudanayaasha Aqalka Sare waxay hogaamiyaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ugu baaqayaan in kaalin muuqata ay ka qaataan joojinta dirirtaas, ayagoo u turaya dadka danyarta ah ee Gaalkacyo ku nool, annagoo ku baaqayna in dib loo hawlgaliyo guddiyadii wada-hadalka labada maamul ee la dhisay dabayaaqadii sanadkii hore.

Dhanka kale waxaan waxgaradka, culumaa’udiinka iyo shacabka reer Galkacyood ugu baaqaynaa in dadaal xooggan lagu bixiyo sidii dagaaladaas loo joojin lahaa, loona kala qaadi lahaa ciidamada is-horfadhiya, sababna loogu noqon lahaa nabad waarta oo halkaas ka dhalata.

Ugu danbeyn waxaan beesha caalamka, dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ugu baaqaynaa in gurmad iyo taakulayn loo fidiyo dadkii dagaaladaas ku soo barakacay iyo dhaawacyada ka dhashay dagaaladaas.

Mudanayaasha Aqalka Sare ee laga soo doortay Galmudug waxeyd dhiggooda Puntland ku casuumayaan in si wadajir ah looga hawlgalo xal u helidda dhibaatooyinkaas iyo nabadeynta dadka walaalaha ah.

Wabillaahi Tawfiiq