U bood dhigaalka

Mudug: Ciidamada Liyuu Boolis Oo Dilay Dad Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ku eedeeyay ciidanka Liyuu Boolis in dad shacab ah ay ku dileen deegaanka Saaxo ee gobolkasi, kuwo kalena ay dhaawaceen.

Guddoomiey ku xigeenka dhanka ammaanka ee gobolkaasi Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ay dileen Saddex ruux oo shacab ah sidoo kalen ay dhaawaceen tiro intasi ka badan.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidankaan ay caadeysteen waxyeellada ay u geysanayaan dadka shacabka ah, islamarkaana aysan jirin cid ay u turaan.

“Saddex qof oo shacab ah ayeey ku dileen ciidanka Liyuu Boolis deegaanka Saaxo, kuwo kalena waa ay dhaawaceen, waxaa kaloo jirta shacab ay habeen iyo maalin dhib ku hayaan oo xitaa ay dhacaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xuseen ayaa ugu baaqay maamulka Soomaali galbeed in ay ilaaliyaa wada noolaanshiyaha iyo derisnimada ayna ceshtan ciidankooda.

Marar badan ciidamada Liyuu Boolis waxay dilal iyo falal amni darro ah ka geysteen deegaanno badan oo dalka ah.

Goobjoog News