U bood dhigaalka

Mudug: Dad Camaara Jooga oo Cabasho Ka Keenay Hawlgallada Danab

Sheeko:Amniga

Dad Camaara ku sugan oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa cabasho ka keenay hawlgallo ay saaka fuliyeen ciidamada xoogga dalka, qeybtooda Danab.

Dadkan oo codsaday in magacooda la qariyo ayaa sheegaya in ciidamada ugu yimid Camaara ay goobta ka wateen 3 qof, oo rayid ah, 2 maqaayadley tahay halka midna uu culimo ahaa.

“Waxa ay wateen waa 2 nin oo maqaayadley ah iyo nin wadaad ah, waa dad deegaanka ah oo la yaqaan, oo aan Al-shabaab shaqo ku laheyn” mid ka mid ah ayaa sidaasi yiri.

“Al-shabaab haddii ay raadsanayaan waa isu muuqdaan, oo in yar ayey u jiraan, mey  u tagaan, intii afduuban lahaayeen dad masaakiin ah” ayuu intaasi raaciyey.

Dhinaca kale, warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ayaa saaka shaacisay  in gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad  uu u sheegay in dadkaasi ahaayeen shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa.

Goobjoog News, uma suuro-gelin iney hesho Danab si arrintan wax uga weydiiso.

Goobjoog News