U bood dhigaalka

Mudug: Dagaal Ay Ku Dhinteen 10 Qof

Sheeko:Dalka, War

Wararka laga helayo degaanka Dumaaye ee gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dagaalka oo u dhaxeeyay dad shacab ah iyo alshabaab ayaa ka dhacay degaanka Dumaaye oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dhowr saac ayaa saaka la soo sheegayaa inuu dagaalka socday islamarkaana labada dhinacba uu gaaray khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 ruux ay kaga dhimatay dhinacyadii dagaallamayay halkaasi halka uu jiro tiro dad ah oo ku dhaawacmay.

Dagaalkani u dhaxeeya dadka shacabka ah iyo Alshabaab ayaa yimid markii Alshabaab ay dadkaasi weydiiyeen inay ka qaadayaan xoolo zako ah.

Xaaladda ayaa hadda la soo sheegayaa inay yara deggan tahay islamarkaana dadka degaanka ay ku warrameen in mar walba dagaal la filan karo oo dhinacyada ay isku muuqdaan meelo isku dhowna ay ku kala sugan yihiin.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada