U bood dhigaalka

Mudug: Deegaanno Hor Leh Oo Uu Ka Dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan inuu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, kaasi oo soo ritay dad badan oo isugu jira yar yar iyo waaweyn.

Deegaanka Daarusalaam ee gobolka Mudug waxaa la geeyay dadkii ugu badnaa ee uu soo ritey cudurkaasi, waxaana la sheegayaa in xarmaha caafimaadka ee ku yaalla deegaankaasi la geeyey 120 qof.

Cali Salaad Gama’diid, guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in 4 qof ay cudurkaasi ugu dhinteen deegaanka Daarusalaam, islamarkaana uu yahay markii ugu horreysay oo cudurkaan ka dilaaco deegaankaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalin walbo uu cudurkaan soo rito ugu yaraan 10 ruux, taasi oo xaaladda kasii darsiisa.

“Afar ruux ayaa cudurka Shuban biyoodka u dhimatay 120 kalena waa ay jiifaan, maalin walbo dad hor leh ayuu cudurkaan soo ritaa, waana markii  ugu horreysay oo shuban biyoodka ku aragno deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiye Cali Salaad ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah, maamulka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya in gurmad caafimaad la gaaraan dadka ku xanuusanaya deegaanka Daarusalaam ee gobolka Mudug.

Goobjoog News