U bood dhigaalka

Mudug: Dhallinyaro Dadka Dhici Jiray Oo Lagu Qabtay Bacaadweyn

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan dhallinyaro la sheegay in habeenkii ay dadka ka dhici jireen Taleefannada gacanta ah.

Guddoomiyaha deegaankaasi Fu’aad Yaasiin Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in markii ay badatay cabashada shacabka ay billaabeen howlgallo lagu baadigoobayo dhallinyaradaasi, islamarkaana ay ku guuleysteen in dhammaantood ay soo qabtaan.

Guddoomiye Fu’aad ma aanu sheegin tirada dhallinyarada ah ee ay ku qabteen howlgalkaan, balse wuxuu sheegay in la kala saaray, islamarkaana inta lagu helay falalka amni darrada ah loo gubidyey Gaalkacyo oo lagu maxkamadeyn doono.

“Habeenkii ayeey dhallinyaradan ka shaqeyn jireen falalka ammaan daridda ah, waan soo qabannay waana la baaray, intii ay ku caddaatey iney ku lug leeyihiin falalka amni darri Gaalkacyo ayaa loo gudbiyey laguna maxkamadeyn doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha Bacaadweyn.

Xilliyada habeenkii shacbaka ku dhaqan deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxay dhibaato xooggan ku qabeen dhallinyaro ku hubeysan Mindiyo oo ka dhacaya Taleefanada gacanta iyo sidoo kale lacagaha ay dadku wataan.

Goobjoog News