U bood dhigaalka

Mudug: Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo Oo Maanta Dib U Furmay

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka helayno waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku soo wamaraya in maanta uu dib u furmay ganacsigii magaaladaasi, ka dib markii ganacsatada ay shaqo joojin wadeen muddo seddex maalin ah.

Axmed Muuse Nuur guddomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ganacsiga magaalada Gaalkacyo uu shaqeynayo islamarkaana aysan jirin ganacsiyo xiran.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobalka Mudug oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in khilaafka ka dhashay canshuur kordhinta ay u saareen guddi ganacsato ah kuwaas oo uu sheegay in maanta ay shir la yeelan doonaan si xal looga gaaro arrinkan, isaga oo si cad u cadeeyay in uusan jirin ganacsi xiran maalinkii 4-aad.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ganacsatada ka dalbaday in canshuurta lagu soo rogay ay la qaataan maamulkooda islamarkaana waxa uu tilmaamay in wax badan ay canshuurtaasi ka dabari doonto.

Ganacsatada Gaalkacyo ayaa joojiyey shaqadooda ka dib markii ay sheegeen in wasaaradda maaliyadda ee dowlad gobaleedka Puntland ay ku soo rogtay Canshuur dheeri ah , ganacsatada ayaana xusay in aysan awoodin bixinta canshuuraha lagu soo kordhiyey.

Cabashada ka soo yeertay ganacsatada yar yare ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku soo  aadeysa iyadoo wasaaradda maaliyadda dowlad gobaleedka Puntland ay ganacsatada ku soo rogtay canshuuro dheeri ah.

Goobjoog News