U bood dhigaalka

Mudug: Guddiga Socdaalka Nabadda Mudug Iyo Puntland Oo Booqday Goobo Ay isku Heysteen Xoolo Dhaqato

Sheeko:Dalka

Guddiga nabad-gelyada Mudug iyo Puntland ayaa socdaal ku tagay deegaannada Bari ee gobolka mudug halkaasi oo ay ku dhaqanyihiin xoolo dhaqato in muddo ah ay ka dhex taagneyd colaad.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminayey Suldaan Cabdinaasir jaamac, waxaa ayna kulamo wacyi-gelin ah ay laqaateen xoolo dhaqata ku sugan deegaannada bari ee gobolka Mudug, kuwaas oo ay ku dhiiro-geliyeen in ay kaalin muuqata  ka qaataan geedi socodka nabadda.

Suldaan Cabdinaasir jaamac oo ah guddoomiyaha guddigan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in socdaalkooda uu yahay sidii xoolo dhaqata ay ugu dhiiro-gelin lahaayeen nabadda iyo xasiloonida waxaa uuna yiri.

“Waxaan rabnaa in aad nabadda qaadataan dantiina, diintiina, sharaftiinna ayaa ku jirta in aad nabadda qaadataan, waxaan rabnaa in labadiina dhinac oo dirirtu ka dhaxeyso aan isku kiin keenno oo dadkii  sidii iskaga soo dhawaado lana gaarsiiyo in ay wadadaaqsadaan”.

Xoola dhaqata ayaa dhankooda sheegay in markasta ay diyaar u yihiin  in ay ka qeyb qaataan nabad-gelyada iyo xasiloonida gobolka qof ka mid ah xoola dhaqata oo wareysi kooban siiyay Goobjoog News ayaa yiri “Annaga waxaan nahay dad iska degan deegaankaan nabadda aad iyo aad ayey noo gashay waana la qaadanay”.

Goobjoog News