U bood dhigaalka

Mudug: Xoogga Dalka Oo Howlgallo Sameeyey

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21-aad oo taliskoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimaada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaa ay ka bilaabeen deegaanno dhaca bariga gobalka Mudug.

Ciidamadaan oo hoggaaminaayay taliyaha qeybta 21-aad Qaybta Gen: C/Casiis C/Laahi Qooje ayaa howlagalkaan amniga lagu xaqiijinayey waxaa ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada gobalka Mudug iyaga oo gaaray deegaannada Camaara iyo Bacaad weyn ee gobalkaasi, ciidamada gaaray deegaanka Camaara ayaa shacabka oo la  kulmay shacabka ayaa ugu baaqay in ciidamada lala shaqeeyo.

Sidoo kale Generaal C/casiis Cabdullaahi Qooje oo dadka shacabka ah oo isku soo baxay markii ciidamu ay soo  gaareen deegaanka Camaara  waxaa uu sheegay in ciimadu ay howgalkaan siiwadayaan ayna gaarayaan deegaannada kale ay ku sugan yihiin Alshabaab.

Dhanka kale Ciidamada ayaa galinkii danbe ee maanta gaaray deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug, Ciidamada ayaana u sheegay shacabka in ay si wanaagsan u la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka.

Howlgaladaan aya awaxaa ay ku soo aadayaan ayadoo dhawwaan dowladda federaalka ah ay ku djawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo laga fulinaayo deegaannada Galmdug oo ka maqan gacanta dowla gobaleedka.

 

Image may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 1 person, standing, child and outdoor

Image may contain: 1 person, tree, outdoor and nature

Goobjoog News