U bood dhigaalka

Mudaaharaad Looga Soo Horjeedo Qiimo Kororka Qaadka oo Ka Dhacay Gaalkacayo

Sheeko:Dalka

Boqolaal dad ah oo u badan dumarka qaadka ka faashleeya ama tafaariiqda u iibiya ayaa banaanbax ka dhigey bartamaha magaalada Gaalkacayo, iyaga oo cabasho ka qaba qaadka oo qimihiisa lagu qaaliyey.

Qof ka mid ah dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa wariyaheenada Goobjoog ee Gaalkacayo ku yiri “Qaadka qaaliga waxaa sababahay, lacagtibaa nalagu kordhiyey, waa nagu gubeen, 2 milyan ayay ka dhigeen, illaa 4 boqol ay ka dhigeen ma gadi doono”.

Dadka ayaa erayada ay ku dhawaaqayeen waxaa ka mid ah “Dooni meyno dhiig miiratada” iyo erayo kale, iyaga oo ku goodiyey in ay joojin doonaan iibinta qaadka.

Arrintani ayaa timid kadib markii ay yaraadeen diyaaradihii qaadka ka keeni jirey dalka Kenya, waxaana dhacday in ganacsatada waaweyn ee qaadka ay kordhiyaan qiimaha qaadka ay ku siiyaan dadka faashleeya.

Dumarka tafaariiqda ku iibiya qaadka ayaa ka raadsada nolol maalmeedka iyo biilka.

Goobjoog News