U bood dhigaalka

Muhaajiriin Farabadan oo Lagu Qabqabtay Dalka Mareykanka 

Sheeko:Dalka

Wakaaladda Socdaalka iyo cashuuraha Mareykanka ayaa qabqabatay dad illaa 700 oo qof ku dhawaad ah oo intooda badani ah dad ajanibi ah, dadkaas oo la sheegay in intooda badani ay yihiin kuwo dhibaato ku ah ammaanka Mareykanka.

Wasiirka Ammaanka Qaranka Mareykanka John Kelly ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cadeeyay in wakaaladda socdaalka iyo canshuuraha dalkaasi ay dad ka qabqabatay magaalooyinka Los Angeles, Chicago, Atlanta, San Antonio iyo New York, in ka badan 680 qof, 75% ay yihiin dambiilayaal ajinabi ah, kuwaas oo looga shakisan yahay iney dhibaato ku yihiin ammaanka Qaranka Mareykanka.

Wasiirka ayaa intaa sii raaciyay in dadka la qabqabtay ay ku eedaysan yihiin, ” Dambiyo dil ah, kufsi, iyo iney gawaadhi wadeen iyagoo cabsan, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo iney dad ku xadgudbeen”, waxaa kale oo ay khilaafeen qaanuunka muhaajiriinta oo si sharcidarro ah ay ku galeen dalkaas.

Madaxweyne Trump ayaa u muuqda in qabqabshadan uga jawaabayo degteetadii uu ka soo saarey dadka muhaajiriinta ah ee maxkamada dalkiisu hakiyeen, iyadoo ay u muuqato inuu fulinayo ballanqaadkiisii hore ee ahaa in Mareykanka uu ka saarayo dadka muhaajiriinta ah ee sida sharcidarrada ah ku jooga iyo kuwa kale ee dambiyada waaweyn ku eedaysan.

Goobjoog News