U bood dhigaalka

Muhaajir Reer Muqdisho Ah Oo Canada Ka Noqonaya Wasiirka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau  ayaa lagu wadaa in uu u magacaabo Axmed Xuseen oo ah muhaajir ka soo jeeda Muqdisho wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha.

Axmed ayaa lagu soo daray liiska cusub ee wasiirrada kadib isku-shaandheyn uu ra’isul wasaaraha ku sameeyay, waxaana lagu badaly John McCallum oo horay jagadaasi u hayey.

Axmed Xussien oo ah Wiil Soomali ah oo xubin ka aha Barlamaanka dalka Canada ayaa loo magacaabay wasiirka wasaarada socdaalka iyo Jinsiyadaha Canada. Ahmed ayaa la saadaalinayaa hadii uu sida ku socdo in uu dalkaas Raysul Wasaare ka noqdo.

Xuseen oo ah abuukaate, waxaa uu Muqdisho ka tagey 1996-dii, waxaana dadaal dheer kadib dhawaan loo doortay in uu baarlamanka dalkaasi u matalo  York-South-Weston  ee West Toronto.

Goobjoog News