U bood dhigaalka

Muhiimadda Ay Leedahay Dhismaha Wadada Wadnaha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

1-dii bishan Lixaad ee sanadkan ayay billaabatay qorshe lagu dhisayo wadada wadnaha ee Muqdisho taas oo halbowle u ah isticmaalka gaadiidka iyo shacabka.

Waqtigii hore ee wadadan waxaa la oran jirey wadada ummadda balse waqtigii dambe ayaa loo bixiyay wadada wadnaha.

Dhabahaan inta la dhisayo waa 7 km laga billaabo isgoyska Tarabuunka ilaa Isgoyska Degmada kaaraan iyadoo wadadan isku xirta degmooyin dhowr ah oo dhaca gobolkan banaadir

Qarashka ku baxaya dhismaha wadadan ayaa lagu sheegay  Afar Milyan iyo bar taas oo aad uga badan lacagta uu maamulka gobolka banaadir sheegay in ay ku bixiyeen dhismaha wadadan oo ah Nus Milyan.

Dhismaha wadadan ayaa billowgeeda waxaa dhagax dhigay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ku dhawaad 25 sano oo wadadan burbursaneed godad bohol ahna ay ka qodmeen ayaa hadda ka duwan sidii hore.

Maxamed Cabulaahi Nuux oo kaxeeya mooto Bajaajta ama Saddex Lugood waxaa uu Goobjoog u sharaxayaa dhibaatooyinka ay bajaajleyda ku qabeen wadadan wadnaha ee Muqdisho.

“Waxaan ka mid ahay wadayaasha mootooyinka bajaajta ee isticmaala wadada wadnaha caqabadaha aan kala kulmo waxay tahay socodkeeda oo liita iyo mootada oo ku dhibqabta godadka iyo wadada rafta ah”

Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo hadda la dhisay ayaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka shacabka ah taas oo u sabab ah xawaaraha gaadiidka, hadaba maxaa maamulka gobolka Banaadir uga qorshe ah ka badbaadinta muwaadidiinta gaadiidka xawaaraha Aadka ah ku socda

Waxaan Su’aashaan Hordhigay Cabdicasiis Cilmi  Cali Kuxigeenka duqa Muqdisho ee dhanka howlaha guud.

“Runtii qorshaha ugu weyn ama ugu wanaagsan waxaa uu yahay in dadka la wacyigeliyo oo ma aragtay idaacadda, Tv-ayada iyo bulshada meelaha isugu yimaadaan dhammaantood laga wacyi geliyo in waddooyinku aysan waddooyinkii hore ahayn, baabuurta xawaaraha ay yareyso”

Cabduqaadir Abuukar Cumar waa maamulaha shirkadda kulmiye ee gacanta ku haysa dhismaha wadadan waxa aan ku Booqday xafiiskiisa anigoo waydiiyay qorshaha uga dagan bulaacadaha biyaha qaada oo hadda waddooyinka qaar ee la dhisay aanan lahayn.

“Anigoo hadda wareysigaan aad ila leedahay uga faa iideysanaya shirkadan maahayn wadadii ugu horeysay shirkadda kulmiye waxay horey u soo fulisay dhowr waddo, roobabka hadda xiligii ugu dambeeyay da’ay ma aysan dhicin mid ka mida iney biya fadhiistaan, waana ka dadaalnoo arintaas ineysan caqabadahaas wax badan dadku ay dhiilo ka qabeen, arrintaas maysan dhicin alxamdulalahi waxaan u sameynay qaab ay biyaha wadada uga baxaayaan iyo qaab markey biyaha tagaan oo ay fadhiistan oo bulaacadda ah”

Wadadan wadnaha ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo dhismaheeda 30-bisha 11-aad – ee sanadkan, iydoo shaqaalaha ka shaqeynaya ay tiradoodu gaarayaan 400 oo mashruucan ka faa iideysanaya.

Mohamud Ali Haji Osman

Goobjoog News