U bood dhigaalka

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Oo Is Dhiibay

Sheeko:Dalka

Warar goor dhow ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isku dhiibay maamulka K/galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wadahadal saacado badan qaatay oo Roobow iyo mas’uuliyiin ku sugan Bakool ay yeesheen ayaa waxaa is dhiibay Roobow oo aan ciidan wadan.

Afhayeenka madaxtooyada K/galbeed Nuuradiin Gacma ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Abuu Mansuur loo soo qaadi doono degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan waxay liiska dadka la doon doonayo ka saartay Mukhtaar Roobow, waxaana wixii intaasi ka dambeeyey uu Roobow culeys kala kulmay dagaalyahannada Al-shabaab.

Dagaal qaatay Labo cisho ayaa Al-shabaab iyo ciidanka daacadda u ah Mukhtaar Roobow ku dhexmaray deegaanka Abal, waxaana wadaadka u gurmaday ciidanka dowladda iyo kuwa K/galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News