U bood dhigaalka

Mukhtaar Roobow Oo Caawa Ku Hoyana Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gelinkii dambe ee maanta waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siddey Sheekh Mukhtar Roobow Cali Abuu Mansuur oo saakay isku soo dhiibey dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Roobow waxaa la socday diyaaradda uu saarnaa wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo saraakiil kale oo ciidan.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kaalin ka qaatay wadahadallada uu isku soo dhiibay Roobow.

Roobow oo caawa ku hoyana magaalada Muqdisho muddo badan kadib waxaa la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiin dowladda Federaalka ah, waxaana dhanka kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka uu ka taagan yahay Al-shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa liiska dadka la doon doonayo ka saartay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, wixii markaasi ka dambeeyay wuxuu weeraro kala duwan kala kulmay dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News