U bood dhigaalka

Mukhtaar Roobow Oo La Xirey Iyo Dagaal Ka Socda Baydhabo

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ciidamada Itoobiya ay xireen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

Roobow ayaa ku sugnaa madaxtooyada Baydhabo, waxaana la sheegay in ciidanka ay xireen iyadoo weli sababta aan la ogaan.

Intaasi kadib ilaalada Sheekha ayaa markii ay ka war heleen xariggan waxay isku dayeen iney galaan gudaha madaxtooyada, hase ahaatee waxay dagaal kala kulmeen ciidanka Booliiska DFS ee dhowaan laga kaxeeyey Muqdisho iyo kuwa Itoobiya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay iyadoo xaaladda guud ee magaaladana ay tahay mid kacsan.

Waxaa la jaray isgaarsiinta magaalada, iyadoo weli xiisad ay ka jirto Baydhabo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News