U bood dhigaalka

Mukhtaar Roobow Oo Ugu Dambeyn Laga Soo Dejiyey Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka hadda naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay soo cago dhigatey diyaarad gaar ah oo sidda Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Diyaaraddan ayaa kasoo kacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo Roobow ay duhuradii maanta xireen ciidamo Itoobiyaan ah.

Ilo wareedyo ku sugan Garoonka Aadan cadde ayaa inoo xaqiijiyey in diyaaraddaasi uu lagu wado Mukhtaar Roobow.

Dhanka kale, Baydhabo waxaa ka taagan xiisaddii ka dhalatay qabashada Mukhtaar Roobow, iyadoo xiisad dagaal ay magaaladaasi ka taagan tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News