U bood dhigaalka

Mukhtaar Roobow “Qofka Idin Soo Diray Isaga Ha Yimaado Ama Ilmihiisa Hasoo Diro”

Sheeko:Dalka

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si kulul wuxuu uga hadlay qaraxii maalin kahor ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo galaaftay nolosha shacab badan.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la laayo shacab aan waxbo galabsan, islamarkaana dhiigooda lagu sheego mid Janno lagu raadsanayo.

Al-shabaab ayuu sheegay iney mas’uul  ka yihiin wixii dhacay, wuxuuna tilmaamay in 10 sano kahor uu isaga falalka sidan oo kale ah kaga digay balse ay ka madax adeegeen , walibana ay dagaal ugu bedaleen.

“Waxa meeshaan ka dhacay waa wax wuxuushnimo ah, wax caqliga aqbali karo ma ahan, anigu muddo aad u dheer kahor oo laga joogo 10-neeyo sano ayaan iri niman yahow waxaan ka daaya dadka ,wey igula dirireen oo waa ay joojin waayeen, waxaan oo kale Shaamow bay  ka dhaceen,  hargaha iyo saamaha ayeey ka dhaceen Masjid ku yaalla Bakaaraha ayeey ka dhaceen, meello kale ayeey ka dhaceen, mar waxaa jirtay waxaan oo kale markii ay dhacaan ma nihin la dhaho, mar hadda waxaa la arkayaa in la sheegto oo annaga waaye la leeyahay la arkay,  waxaan oo kale waa wuxuushnimo, dadka noocaas ah ee waxaan oo kale sameynayo waxaan leeyahay towbaa furan, haddii sidan Janno lagu raadinayo waxaan leeyahay sidan janno ma ahan….cidda aan sheegayo waa shabaab, meelaha waxaan ka maqlayey in la leeyahay Black water baa ka dambeysa taasna aniga shaqsiyan u maleyn maayo, maxaa yeelay Black water maado qaraxdo wey keeni karaan, gaari iyo lacag wey keeni karaan laakiin qof is qarxinaya nimankaan ma keenin, marka dadka ka dambeeya waxaan leeyahay ka hara oo ka towbad keena” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Dhanka kale, Abuu Mansuur ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab, gaar ahaan kuwa fuliya qaraxyada iney ka towbad keenaan falalka ay ku jiraan, isaga oo dhanka kale sheegay haddii waxa ay ku socdaan ay tahay waddo saxan ay is qarxiyaan ragga iyaga soo diray ama ilmahooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dhallinyarada howshaan loo soo dirayo waxaan leeyahay inta qofka muslimka noolyahay towbaa u furan, qof is rabo inuu  Janno galo, marka ugu dambeysayna boqolaal qof ah qaato masiirkiisa ma wanaagsana waxaan leeyahay yaan been la idiin sheegin, sidan oo kale in dad la yeelo ajar iyo janno lagu heli maayo, qofka waxaan kuu soo diray isaga ha yimaado, ilmihiisana hasoo diro”  ayuu hadalkiisa ku daray Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

In ka badan 200 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay qarax Sabtidii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

Goobjoog News