U bood dhigaalka

Muna Al-Sharmani

Sheeko:War

Dr. Muna Al-Sharmani waa Abuukaate Soomaaliyeed oo dowli ah, waxaa ay dhawwaan noqotay hadal-heynta shacabka Soomaaliyeed kadib markii dalkeenna ay u matashay dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya taas oo ka socotay  ICJ ee magaalada Hague .

Hadaba waa Kuma Dr. Muna Al-Sharmani?:

Dr. Muna Al-Sharmani waa Abuukaate Soomaaliyeed oo dowli ah, aabaheed waa diblomaasi iyo sarkaal military oo hore, waxaa ay ka tirsan tahay qurbojoogta wax ku bartay dalka dibaddiisa gaar ahaa dalalka Masar iyo Mareykanka.

Dr. Muna Al-sharmaan waxaa shahaadada Master-ka ka qaadatay Maalgeshiga caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard Law School sanadkii 2001-dii halka shahaadada PhD ee xiriirka caalamiga ah ay ka diyaarisay Johns Hopkins School of Advanced International Studies (SAIS), shahaadadaas  waxaa ay ka dooday arrimaha maalgeshiga gaar ahaan sida ay dadka dalka u dhashay u maalgeshtaan waddamada soo koroya, Al-sharmaan waxaa intaa u dheer  dhanka waxbarashada Bachelor of Law ee Jaamacadda Qaahira ee dalka Masar 1985 – 1989.

Dr.  Al-sharmaan waa Kaaliye sare oo ka tirsan shirkadda Weil, Gotshal & Manges LLP,  shirkaddan oo shaqadeeda la xiriirto arrimaha Maaliyadda iyo Bangiyada, waxaa ay xubin ka aheyd 6-dii sano ee ugu dambeysay.

Shirkaddan Weil, Gotshal & Manges LLP waxaa ay shaqadeeda tahay in xoogga saaraan maalgelinta shirkadaha iyo heshiisyada, Tababarka, Deymaha iyo arrimaha la xiriira Maaliyadda iyo Bangiyada.

Waxaa kaloo ay Kaaliye ka aheyd King & Spalding LLP, iyadoo halkaas ka shaqeyn jirtay inta u dhaxeysay March 2005 – September 2005 , waxaa ay u qaabilsaneed shirkadda  arrimaha dhaqaalaha Islaamiga ah.

1990-yadii waxaa Dr. Muna Al-sharmaan qaramada midoobey xarunteeda Newyork kala shaqeyn jirtay  bicsada ama ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya ee qaramada midoobey ee arrimaha xiriirka caalamiga ah.

Dr. Muna waxaa ay xubin ka tahay Abuukaatayaasha Mareykanka kuwaas oo xaruntoodu tahay  State of New York, waxaa ay sidoo kale qortaa warbixinno la xiriira ganacsiga caalamiga, maalgeshiga, sida xal looga gaaro murannada la xiriirka ganacsiyada , Lahaanshiyaha iyo arrimo kale oo la xiriira ganacsiga iyo sharciyada dowliga ah.

Dr. Muna  Al-sharmaan waxaa ay bishan September 19-24-kii Soomaaliya u mataleysay dacwada badda ee nagala dhaxeysay Kenya, waxaa ay si fiican Maxkamadda ICJ uga faafaahisay sida Soomaalida u aragto MOU-ga, waxaa ay qeyb ka aheyd Abuukaatayaal u doodaya Soomaaliya.

Dr. Muna waxaa ay si fiican ugu hadashaa luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriis-ka.