U bood dhigaalka

Munaasabad Ka Dhacday Yemen Oo Lagu Bogaadiyay Goobjoog News (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Jamciyadda Saciida ee arrimaha qaxootiga iyo maamulka gobolka Xadarmuud ayaa lagu qabtay magaalada Mukalla ee gobolka xadarmuud.

Munaasabadda ayaa aheyd mid loogu mahadcelinayay cid kasta oo dadaal ku bixisay howlaha loogu gurmanayo dadka dhibaatadu saameeysay ee isugu jira Soomaalida iyo Yemeniyiinta iyo inta kale ee la nool.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ah ninka ku deeqay markabka Nawaal 3 ee dadka qaxootiga ku ah Yemen lagu daabulayo iyo Saxafiyiin aan ku jirno aniga iyo saaxiibkeey Maxamed Salaad Cismaan ayaa madasha xafladda laga qiray dadaalka naf hurnimada ah ee ay ku bixiyeen in la bad-baadiyo kumanaan ruux oo isug jira Soomaali, Yemeniyiin, iyo muwaadiniin kale.

Sidoo kale Goobjoog News ayaa loo aqoonsaday in ay tahay warbaahintii ugu dadaalka fiicneyd dhinaca kicinta iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaatooyinku ku qabsadeen wadanka yemen.

Intii loo arkay in ay juhdi dheeraad ah ku bixiyeen gurmadka iyo gargaarka dadka lagu samtabixinyey ayaa goobta lagu gudoonsiiyey dhowr shahaado sharaf oo ka kala timi dowladda yemen, Maamulada deegaanka iyo hey’adaha samafalka qaarkood.

kuwaasoo lagu qadarinayo howlihii mira dhalka ahaa ee lagu bixiyey u gargaaridda dadka ay saameeyeen dagaalada wadankan yemen.

Cali Bahadaan oo ku hadlayay afka maamulka golaha sare ee xadarmuud, ayaa si weyn ugu mahadceliyey, dhamaan intii iska xilsaartay in la saacido dadka halkan ay dhibaatooyinku ku qabsadeen ka dib markii uu qarxay dagaalka wadankan yemen ka dhacay.

“ Ilaaha na abuurtay kasokow waxaan u mahadcelineynaa, hey’adaha, ururada, iyo shakhsiyaadka isugu jira saxafiyiinta iyo tujaarta isu xilqaantay in loo gurmado dadka ay dhibaatooyinku kasoo gaareen dagaalada wadankan ka dhacay”

“Runtii bogaadin ayay mudan yihiin iyo in lagu qadariyo dadaalka naf-hurnimada ah ee ay sameeyeen si loo bad-baadiyo kumanaan ruux oo laga yaabo in ay u le’an lahaayeen haddii aysan jiri laheyn dadaaladaasi”

“Xaqiiqdii eebbe ayaa ka abaal marin doona cid kasta oo camalkeeda qaalis ka dhigta, dadka adduunkan ku noolna waa ay ka marqaati kacayaan ayadoo taariikhduna ay bogageeda fiican ku xusi doonto”

“Waxaan dardaarmayaa in lasii joogteeyo ayadoo la laba laabayo dadaalka hadda la wado, si dadkeena aan kaalmadiisa ugu filnaano, soomaaliya waa yemen, yemena waa soomaaliya, sidaasi daraadeed wixii aan kala hareynin waa loo wada howlgalaa” ayuu yiri Cali

In kabadan Toban Kun oo ruux oo Soomaali iyo Yemeniyin isugu jirta ayaa Labadii Bilood ee ugu dambeeysay Soomaaliya loogu amba-bixiyey ka dib markii ay gurmad fidiyeen samafalayaal isugu jira soomaali iyo yemeniyiin oo ku kala nool labada wadan.

Welina ma hakan oo waa ay sii socdaan howlahaasi gurmadka ah, taasoo lagu doonayo in lagu bad-baadiyo nolosha dad badan oo Soomaali iyo Yemniyiin ah.

Hoos ka daawo sawirada

 IMG_5303 IMG_5305 IMG_5271 IMG_5272 IMG_5273 IMG_5278 IMG_5293 IMG_5295 IMG_5296 IMG_5299 IMG_5300

Aweys Xaaji Nuur
Goobjoog News
Mukalla – Yemen