U bood dhigaalka

Munaasabad lagu sagootinaayey Safiirkii Turkiga oo lagu qabtay Villa Soomaaliya

Sheeko:War

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay Danjirihii horre ee dowladda Turkiga u fadhiyay Soomaaliya laguna soo dhaweynayay Danjiraha  cusub ee dowladda Turkigu usoo magacawday Soomaaliya.

Kulanka Afurka ah  oo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyay danjirayaasha Turkiga ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada, waxaana ka soo qeybgalay gudoomiyaha Baarlamanka, xubno ka tirsan Labada gole,  gudoomiyaha gobolka Banaadir, Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Danjiraha cusub ee iminka loo soo magacaabay Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjirayaasha safaaradaha dowladaha caalamka u fadhiya Soomaaliya, diplomaasiyiin, ururada haweenka iyo marti sharaf kale.

Afur iyo wadasheekeeysi kadib waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo si qota dheer uga hadlay waxqabadka dowlada Turkiga ee Soomaaaliya,  isagoo ku amaanay safiirkii hore ee Turkiga Kamaaludiin kaalintii wanaagsaneyd ee uu ka qaatay u gargaarida dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo hadal kooban  ka jeediyay munaasabadaasi ayaa ku amaanay danjirihii hore ee Turkiga kaalinta muuqata ee uu ka qaatay wax u qabashada ummadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari  oo isna hadlay ayaa uga mahadceliyay Kamaaludidin danjirihii hore ee Turkiga sida uu u xoojiyay xiriirka labada dal.

“aad ayaan kaaga mahadcelineynaa sida aad u xoojisay xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Turkiga, teeda kale ka baarlamaan ahaan waxaan sii xoojineynaa xiriirka saaxiibtinimo ee labada baarlaman ee noo bilowday hore, ayaan usii qaadeynaa xiriirkaasi,  waxaana rajeynayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu igu raaci doono in wixii maanta ka dambeeya aan leeenahay laba safiir , oo kala ah safiirkeena Soomaaliya u fadhiya Ankara halka adiguna aad noo fariisandoonto wasaaradda arrimaha dibadda” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari.

Kamaaludiin kani danjirihii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya oo hadal ka jeediyay munaasabadda sagootinta ah ee loo sameeyay ayaa tilmaamay in gurmadkii Turkiga u fidiyeen Soomaaliya iyo howsha uu qabtay ay tahay mid walaaltinimo  iyo Bani’aadanimo.

“Sanadkii 2011 gurmadkii  aan ka bilownay gudaha Soomaaliya oo ay gacan nagu siinayeeen shacabka Turkiga wuxuu ahaa gurmada bani’aadanimo een walaalaha Soomaaliyeed ugu talagalnay inaan ku taakuleyno,  shacabka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in Soomaaliya gaarto meel halkan ka sii wanaagsan, anaguna halkan waxaan u imaan doonaa booqasho xilliyada fasaxa ah, runtii aadbaan ugu faraxsanahay soo dhaweeynta diiran ee ay noo sameeyeen shacabka iyo madaxda dowladda Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri Danjirihii here ee Turkiga kamaalidin Kani.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka Turkiga gurmadka walaaltinimo oo ay markasta u fidiyaan dadka Soomaaliyeed .

“Ambsdor Kaani maalintii uu Xamar yimid iyo maanta uu ka tageyaa aad iyo aadbeey u kala duwantahay waxan jecelahay inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago inta ay qabteen walaalaha Turkiga, waxaa ka badan mashaariicda kale ee u qorsheysan iney ka fuliyaan dalkeena, siyaasadda Turkiga ee Soomaaliyana ma qarsoona, madaxweynaha iyo R/wasaaraha Turkigu aad ayeey u muujiyaan iney u hadlaan Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyneaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka Goobjoog