U bood dhigaalka

Munaasabad lagu xusay sanad guurada 2-aad ee Goobjoog FM oo Muqdisho lagu qabtay

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”28″]

Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay aasaaska Goobjoog FM ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacday magaaladan Muqdisho. Xafladda oo si weyn loo qaban qaabiyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo isugu jira madax ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, bahda waxbarashada, warbaahinta, ciyaaraha iyo ururada bulshada.

Ugu horeyn agaasimaha Goobjoog FM mudane Xasan Maxamuud Maxamed oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Goobjoog FM wax badan ka qabatay mudadii labada sano ay jirtay dhinacyada adeega bulshada sida waxbarashada, baraarujinta bulshada iyo siinta codka dadka aan codkoodu gaarin meelo fog.

Agaasimaha guud ee wasaarada hidaha iyo tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Ismaaciil ayaa isna ka sheegay madasha in Goobjoog FM ay ka gacansiisay ka wasaarad ahaan baahiyo ay u qabeen gaarsiinta ardayda Soomaaliyeed isbedellada ku saabsan hannanka waxbarasho ee dalka.

Prof. Yaxye  Cali Ibraahim oo ah hormuudka Jaamacadda SIU ayaa ina ka sheegay xafladda in Goobjoog FM ay ku amaanayaan kaalinta ay ka qaadanayso hormarinta iyo kobcinta xagga waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ugu bogaadiyay maamulka iyo howlwadeenada Goobjoog FM dadaalka ay ku daareen heerka maanta ay gaareen muddo kooban.

Goobjoog FM ayaa la aas-aasay 14-kii July sanadkii 2012-ka

Wararka Goobjoog news