U bood dhigaalka

Munaasabad loogu magac daray habeenka dhaqanka kana qeyb galeen Mas’uuliyiin oo xalay lagu qabtay Muqdisho (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Munaasabad loogu magac daray habeenka dhaqanka oo ay ka soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada madax katirsan maamulka gobolka banaadir iyo xubnaha labada gole ee dowlada qaarkood ayaa xalay lagu qabtay magaalada muqdisho.

Waxay ahayd Munaasabadaan mid aad loo soo agaasimaha, waxaana ay ka dhacday Hotelka City ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaano, Abwaano, Fanaaniin iyo qaar kale oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabada oo uljeedkeedu ahaa dib u xasuusin iyo soo nooleynta wax yaabaha Soomaalida Hidaha iyo Dhaqanka u leedahay ee sii baaba’aya ayaa dadkii goobta ka hadlay waxay guubaabiyeen in bulshada Soomaaliyeed ay dhowraan dhaqan kooda suuban iyo hidihii caanka ay ku ahaayeen dadka Soomaaliyeed.

Goobta Munaasabadaan ay ka soconaysay ayaa aad loogu soo xardhay waxyaabo badan oo muujinaya dhaqanka Soomaaliyeed, iyo farshixanno aad usoo jiitay ka qeyb galayaashii.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii madashaa ku sugnaa oo hadal jeediyay ayaa sheegay iney guubaabinayaan garabna ay siinayaan cid kastaa oo kaalin ka qaadaneysa soo nooleynta hidaha iyo dhaqnka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in barnaamijkaan uu ahaa mid loogu tala galay in sare loogu qaado Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, dadkii halkaasi bandhiga ka sameeyay, walibana ku tar tamay ay ku guuleysteen hadiyado qaali ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixin Arintaan ku saabsan.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

DSC_0447 DSC_0446 DSC_0444 DSC_0445 DSC_0377 DSC_0376 DSC_0328 DSC_0349 DSC_0350 DSC_0351 DSC_0352 DSC_0375 DSC_0327 DSC_0326 DSC_0325 DSC_0324 DSC_0323 DSC_0322 DSC_0319 DSC_0320 DSC_0321 DSC_0314 DSC_0315 DSC_0316 DSC_0317 DSC_0318